Somali News

Gudashada Cumrada oo dib u billaabatay

Dowladda Sucuudiga ayaa lix bilood kaddib fasaxday in dadka Muslimiinta ah Ku cibaadeysan karaan Xarameynka.

Gudashada Cumrada iyo guud cibaadada Xarameynka ayaa la joojiyay kaddib faafiddii Cudurka Carona virus ee Ku dhuftay Caalamka.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegtay in halkii mar la ogolyahay 6000 qof in ay Ku cibaadeystaan,iyada oo ay u adeegayaan 1000 qof oo shaqaalaha Xarameynka ah.

Dadka gudanaya cumrada ayaa loo dejiyay habraacyo ay maraan si iyaga laftooda aysan isu qaadsiin xanuunka Covid19.

Sanadkan ayey boqortooyada joojisay gudashada Xajka iyada oo kaliya 10,000 oo qof kuna nool gudaha Sucuudiga loo ogolaaday.

Xanuunka Carona virus ayaa adduunyada Ku dilay dad kor u dhaafay hal milyan oo qof tobankii bilood ee uu caalamka ka jiray.

Back to top button