Somali News

Guddiga farsamada ee ku shiraya Baydhaba oo doortay Guddoomiye

Guddiga Farsamo ee Qaban-qaabada Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee shalay  gaaray Magaalada Baydhabo, ayaa yeeshay kulan u gaar ah kafdib kulamo ay la qaateen Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo Ra’isalwasaaraha Soomaaliya .

Madaxda ayaa dardaaran iyo dhiiragelin u jeediyay xubnaha guddiga in shirkooda natiijo wanaagsan ka soo baxo.

Xubnaha Guddiga Farsamada ee ka socda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa u doortay Shir Guddoon Wasiirka Dastuurka Saalax Maxamed Jaamac

Back to top button