Somali News

Guddiga Soomaaliya ku matalaya ICJ oo ka ambabaxay Muqdisho

Xubnaha Soomaaliya ku matalaya Dacwadda ICJ ee nagala dhaxeysa Kenya ayaa waxaa ay maanta ka ambabaxeen Magaalada Muqdisho.

Wafddigan oo Warbaahinta kula hadlay Garoonk Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in ay Soomaaliya ku guuleysato kiiskan islamarkaana ay ku wajahanyihiin Magaalada The Hague.

Wafdiga waxaa hoggaaminaya Ra’isalwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ah u qeybsanaha Soomaaliya ee dacwadda Badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

Xubnaha kale ee Guddiga waxaa ka mid ah Xeer Ilaaliyaha Guud Saleebaan Maxamed Maxamuud, Yuusuf Garaad Cumar iyo xubno kale kuwaas oo safarka ku wehlinaya Ra’isalwasaare ku xigeenka.

Dowladda Kenya ayaa dhowr jeer codsatay in dib loo dhigo dhegeysiga Kiiska oo lagu ballansanyahay 15ka Bishan March.

Back to top button