FeaturedSomali News
Guddiga sooxulista baarlamanka Hir-shabeelle, oo hawshoodii bilaabay.

Xubnaha guddiga soo xulista Baarlamaanka Labaad ee maamulka Hir-shabelle, ayaa guda galay shaqooyinkii loo igmaday iyaga oo kullammo gaar gaar ah magaalada Jowhar kula yeelanaya odayaasha iyo madax-dhaqameedka kusugan magaalada Jowhar.
Guddiga, ayaa odayaasha kala arrinsaday nidaamka ugu habboon ee loo soo xuli karo xildhibaannada baarlamanka labaad ee maamul goboleedkaasi.
11-ka xubnood ee uu ka kooban yahay guddiga soo xulista baarlamanka Hir-shabeelle, ayaa dhowaan lagu wadaa in ay gudo galaan hawsha soo xulista baarlamankaasi.
Dadweynaha ku dhaqan goboladda Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa il gaar ah ku haaya dhismaha cusub ee dowlad goboleedka Hir-shabelle.