Wadani.com: Covering All Somali News. Views and Analysis
Featured Somali News

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Wakiilada Q/Midoobay & Midowga Afrika ee Soomaaliya (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa  la kulmay Wakiilada gaarka ah ee Qaramada Midoobay  u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Wakiilka gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira.

Kulanka ayaa looga hadlay  xaaladda Soomaaliya iyo waliba xalinta Khilaafka Xukuumadda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka. Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Maxamed Jaamac ayaa sheegay in Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare iyo Wakiilada Qaramada Midoobe iyo Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ay ka wadahadleeen sidii loo dajin lahaa xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in sidoo kale kulanka looga wadahadlay sidii shaqada Aqalka Sare loo taageeri lahaa iyo sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafka taagan iyadoo sidoo kale gudoomiyaha Aqalka Sare uu warbixin ka siiyay shaqada Aqalka sare.

Related posts

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Warbixinta Qorshaha Deyn cafinta ka dhageysatay Wasaaradda Maaliyadda (Daawo)

Wadani Media

Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Somalia oo si kulul u beenisay in Korontadii laga goostay [Akhriso]

Wadani Media

Wasaaradda Warfaafinta: “Dab yar ayaa qabsaday keydka waxaana soo gaaray qasaaro yar” [Sawirro]

Wadani Media

Golaha Wasiirada Somalia oo kulan aan caadi ahayn la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (Sawirro)

Wadani Media

Madaxweyne Farmaajo oo Amar ku saabsan Qaraxyadii Muqdisho siiyey Taliyeyaasha Ciidamada (Sawirro)

Wadani Media

Shirkadda Kenya Airways oo Duulimaad Maalinle ah ka bilaabeysa Garoonka Aden Adde ee Muqdisho

Wadani Media