Somali News

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo ka badbaaday shil Diyaaradeed

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa waxaa uu ka badbaaday Shil diyaaradeed kaddib markii diyaarad uu la socday ay hawada ku cilladowday.

Diyaaradda ayaa waxaa isaga iyo wafdigiisa ay ka raaceen Jowhar waxaana ay ku sii jeedeen Baladweyne hayeeshee mid ka mid ah Matoorrada ayaa damay waxaana diyaaradda ka soo degtay Magaalada Muqdisho.

Qoraalkan hoose waxaa qoray Wasiirka Amniga Hirshabelle Maxamed Kheyre oo wafdiga la socday.

“Duliyahii Qaldanaa”

Waxaan kamid ahaa wafdi uu hogaaminayay gudomiyaha barlamaanka hirshaballe Mudane Abdihakim Luqmaan oo ka kooban wasiiro, xildhibano, saraakiil iyo hoolwadenada Barlamaanka Hirshabelle.

Garoonka Casimada dowlad goboledka Hirshabelle ee jowhar ayaan ka raacnay diyarada nuuceda tahay Fokker 50(50Qaad) oo eey lee dahay shirkada SOM EXPRESS waxeyna aheeyd ineey nageeso magalada Baladweyne oo uu ahaa ujeedka safarkena inaan halkaas tagno.

Xili aan ku dhaween magalada Baladweyne qiyaastiina aan ujirno wax kayar 10daqiiqo ayaa waxaa naga damay matoor kamid ah 2badii matoor eey diyaarada ku shaqeenesay sida kaaga muuqato muuqaalka hoose, markii eey ciladaas dhacday waxaan fileenay in halka matoorka ee inoo shaqeenayo aan ku tagi karo Baladweyne maada eey aad inooga dhaweed lkn nasiib daro duulayihii diyaarada ayaa ku adkeestay inuu naga dajiyo garoonka magalada muqdisho oo qiyaastii safar ahaan qaadaneso inaan tagno 50daqiiqo, nasiib wanaag ilaahey wuu nagu nabad keenay halkii matoor muqdisho Alxamdulilah.

Ugu danbeentii waxaan usoo jeedinayaa Hey’addaha diyaaradaha waa ineey duuliyaasha amar buuxa ku siiyaan hadii eey cilad nuucaan oo kale ah la kulmaan duuliyaashooda ineey ku dagaan garoonka ugu dhaw si rakaabka saaran diyaaradda marka hore loo bad baadiyo, halka duuliyaha uu marka hore muhiimada kowaad siinaayo meesha uu ka heli karo Injineero diyaarada u hagaajiyo, ileen marka bad baado lahelo ayaa la heli karaa farsama yaqaano.

Mahadsanidiin.

W/Q:Hon Mohamed Kheire

Back to top button