Somali News

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo War ka soo saaray Qaraxyadii Magaalada Baydhaba

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa cambaareeyay qaraxyadii is-miidaaminta ahaa kooxda Alshabaab ku qaadeen xarumo Ganacsi oo ku yaala Magaaladda Baydhabo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Isbitaaladda Magaaladda Baydhabo ay u diri doonaan gargaar Caafimaad si wax loogu qabto dadka waxyeeloobay, sidoo kalena ay maalinta beri ah halkaasi u diri doonaan diyaarad soo daadgureysa dadkii qaraxyadaasi ku dhaawacmay si loogu daweeyo Magaaladda Muqdisho.

“Waxaan cambaareynaaa weeradadii aragaxisadu ay ka geysteen Magaaladda Baydhabo ,iyagoo halkaasi ku laayay dadka aan waxba galabsan,waxaana tacsi u dirayaa ehelada dadkii halkaasi ku geeriyooday waxaan Alle SWT uga baryayaa in Naxriistiisa ka waraabiyo,kuwii ku dhaawacmayna bogsiimo deg deg ah Allaha ha siiyo” Ayuu yiri Guddoomiye mursal.

Mudane Maxamed Mursal Sheekha C/raxmaan ayaa sheegay in kooxahan caadeystay daadinta dhiiga dadka Soomaaliyeed loo baahanyahay in meel looga soo wada jeesto ,isagoo shacabka ugu baaqay in ay hay’adaha amaanka kala shaqeeyaan ciribtirka Kooxdan hororka ah iyo sugida Amaanka.

Tags
Close
Close