Somali News

Guddoomiyaha cusub ee Afgooye oo ka Hadley qorshahiisa

Guddoomiyaha cusub ee degmada Afgooye ayaa xilka la wareegay waxaana uu kulan la qaatay odayaasha degmada.

Aways Cumar Bulaalow ayaa Odayaasha u sheegay in uusan guddoomiye noqoneyn ee uu noqonayo qof xsfiiskiisa ugu adeega qof kasta oo reer Afgooye ah.

Bulaalow ayaa u ballanqaday bulshada Afgooye waxqabad muuqda isaga intaas Ku daray in uu wax ka qabanayo isqabqabsiga dhulalka.

Aweys ayaa la magacaabay kaddib murankii xaafadda Imbagaati ee uu guddoomiyihii hore Ku amray in dadka deggan ay isaga guuraan.

Murankaas ayaa sababay in odayaasha qaar xabsiga la dhigo,halka kuwo kalena loo hanjabay.

Back to top button