FeaturedSomali News

Guddoomiyaha G/Banaadir oo shaqadii ka joojiyey La-taliyihii Saxaafadda iyo Shirkadda Bilicsan (Qoraallo)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa shaqadii ka joojiyey la-taliyihiisa arrimaha saxaafada Shadoor Xaaji Maxamuud, sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha.

Qoraalka ayaa lagu caddeeyay inay shaqo ka joojinta la-taliyaha ay ka bilaabaneyso maanta, iyadoo aan wax faahfaahin ah laga bxiin sababta shaqo ka joojinta, isla markaana xilkan uu ahaa mid aan hore loo shaacin oo qarsoodi ahaa.

Shadoor Xaaji ayaa hore u ahaa Agaasimihii Warfaafinta Madaxtooyada Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, waxaase la tuhunsan tahay in shaqo joojintan ka danbeysay markii uu La-taliyaha kasoo mnuuqday munaasabaddii lagu shaaciyay xisbiga cusub ee UPD ee mucaaradka ah oo uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shaqadii ka joojiyey ilaa mar danbe shirkadda Bilicsan oo magaalada Muqdisho ka hirgelineysay Busteejooyin casri ah, taasoo shalay uu booqday xarunteeda kuna amaanay shaqada ay wado.

HOOS KA AKHRISO QORAALLADA

 

Tags
Close
Close