Somali News

Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo ka garnaqsaday Sheekh Umal oo gaaleysiiyay

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland C/Ladiif Sanyare ayaa waxaa uu shir jaraa’id oo uu qabtay uga hadlay hadal ka soo baxay Sheekh Umal oo uu isaga ku gaaleysiinayay.

Sanyare ayaa sheegay in isaga uusan Diinta ka bixin Sheekha oo uu ku ogaa degganaana uu ku fududaaday, islamarkaana ku talaxtagay.

Doodda Guddoomiye Sanyare iyo Sheekh Umal ayaa ka dhalatay kaddib markii uu Guddoomiyuhu dhaliilay Culimada Masaajidda ee aan ka hortagin fakarka xagjirka ah islamarkaana naftiisa ku qasabtay in uu Guriga ku oogo salaadaha lagu leeyahay casbi uu ka qabo in Masaajidka lagu dilo.

Sheekh Umal ayaa daliilo dhowr ah u soo qaatay in Sanyare gaaloobay,hayeeshee Guddoomiyaha ayaa iska beri yeelay eedda Sheekh Umal waxaana uu ka dalbaday in uu arrinkaas ka laabto.

Sheekh Xasaan Xuseen oo isna ka mid ah Culimada ugu caansan Soomaalida ayaa Guddoomiye Sanyare ku taageeray hadalkiisa isaga oo Culimada uga digay in ay dadka Mas’uuliyiinta ah ka horkeenaan shaabka.

Xasaan ayaa sheegay in Salaadda ay ka qiima weyntahay Masaajidka haddii lagu oogi waayana yuusan Masaajidka nacfi lahayn sidaas darteedna waxaa uu ka digay in la marin habaabiyo bulshada.

Back to top button