Somali News

Guddoomiyaha Odayaasha Hawiye oo Ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah MW Farmaajo

Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in Beesha degta Muqdisho ay dagaal Ku qaadeyso Villa Soomaaliya haddii dowladdu aanay siideyn Taliyihii hore ee DANAB.

Ismaciil C/Maalik ayaa muddo bil ah Ku xirnaa Wasaaradda Gaashaanshigga waxaana soo baxday in loo wareejinayo xabsiga dhexe.

Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad ayaa Sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay u geeyeen ashtako arrintaas ka dhan ah hayeeshee aan waxba laga qaban.

Xaad ayaa Ku dooday in Ismaaciil oo aan dambi lahayn ay Rag qabyaalad darteed kiis been abuur ah ugu sameynayaan.

Waxa uu Guddoomiyaha Odayaasha Hawiye sheegay in Ninkaasi haddii dhibaato soo gaarto ama la dilo uu ka shalaayayo Madaxweynaha iyo dowladdiisaba.

Back to top button