FeaturedSomali News

Guddoomiye Mursal, ma waxa uu noqday nin Farmaajo ku shaqaysto ? | Akhri xogtaan

Guddoomiyaha golaha shacabka oo sharci ahaan ah ninka saddexaad ee ugu sarreeya Soomaaliya, ayaa hadda u muuqda nin aan garnaynaan masuuliyaddiisa iyo maamuuska uu ku leeyahay maamulka dawladnimo ee dalka.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan, ayaa waxa uu muddooyinkan dambe noqday gacan yare uu ku adeegto madaxweyne Farmaajo, isaga oo u diraya hadba meesha uu rabo in uu dan siyaasadeed ka fushado ama shakhsiga uu doonaya in uu ka dhaadhiciyo doonistiisa ee aanu rabin in isagu uu si toosa ula kulmo.

 

Madaxda maamul goboleedyada, ayaa lasheegayaa in ay badan koodu kasoo horjeedaan qodobada ugu waawayn ee kasoo baxay shirkii Dhuusa-mareeb 3.

Mursal, oo u muuqda in uu Farmaajo u dirsaday in uu madaxda maamul goboleedada  ka dhaadhiciyo sidii ay u aqbali lahaayeen qodobada  ladiidanyahay, ayaa kulan gaara shalay la qaatey madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Hir-shabeelle Cabdicasiis Maxamed Xasan (Laftagareen) iyo Maxamed Cabdi Waare.

 

Sikastaba ha haatee, guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya, ayaa loo arkaa nin daacad u ah farmaajo oo loo dirsado waxkasta oo aanay dantiis gaarka ah  iyo ta guud ee dalku ku jidhin hase ahaatee ay ku jirto danta gaarka ah ee madaxweyne Farmaajo.

Back to top button