Somali News

Guddoomiye Mursal oo kulan isugu yeeray Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan ayaa kulan isugu yeeray Golaha shacabka maalinta berri ah oo Insiin ah.

Farriinta loo diray Golaha shacabka ayaa waxaa ku xusnaa Ajendaha berri waxaana ay u dhigantahay farriinta wargelinta ah.

Xildhobaanada Golaha shacabka ayaa loo diray farrinta fadhiga berito.
M.ne Xil Beri oo Isniin ah oo ay Tar 29 March, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka.
Agendaha
1. Caabuqa COVID19
2. u Codeyn 2 xubnood ee Guddiga M/Banaan ee Xuduudaha
Saacadu waa 09:00 subaxnimo.
Shalay kulan ay yeesheen golaha shacabka ayaa fashilmay markii ay Xildhibaannada Mucaaridka ah buuq fureen iyaga oo xusay in Mursal ka shaqeynayo muddo kordhinta Madaxweynaha.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa isla xalay soo saaray 15 Xildhibaan oo laga mamnuucay 5 Fadhi kulamada Baarlamaanka.
Back to top button