Somali News

Guddoomiyihii Boosaaso oo iscaslilay kaddib shaqo joojintii lagu sameeyay

Guddoomiyaha Magaalada Boosaaso C/Salaan Axmed C/Salaan ayaa waxaa uu shir uu ku qabtay Boosaaso uga hadlay warqad shaqo joojin loogula sameeyay oo ka soo baxday Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha waxaana uu amray in baaritaan maaliyadeed lagu sameeyo Maamulka Degmada.

C/Salaan ayaa soo dhaweeyay shaqo joojinta isaga oo sidoo kale soo dhaweeyay in hubin maaliyadeed lagu sameeyo waxaana uu xusay in bishii la soo dhaafay ay xafiiskiisa ka dhamaadeen hanti dhowrka Puntland wax walwal ahna uusan ka qabin in Musuq lagu soo eedeeyo.

Guddoomiye ku xigeenkiisii oo xilka sii heynaya ayuu u hambalyeeyay waxaana uu dadka Boosaaso ka codsaday in ay garab istaagaan Guddoomiyaha KMG ah.

Back to top button