FeaturedSomali News

Guddoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland oo Qarax ku geeriyooday.

 

Qarax Saaladdii Jamcaha ee maanta kadib lala beegsaday guddoomiyihii rugta ganacsiga ee maamulka Jubbaland, ayaa lagu soo warramayaa in qaraxaas uu ku geeriyooday alle hawnaxariistee guddoomiye Shaafi Raabi Kaahin iyo mid kamida ilaaladiisa gaarka ah.

Qof Is-miidaamiye ah, oo isku rakibay walxaha qarxa, ayaa isku qarxiyay guddoomiyaha rugta ganacsiga Jubbaland  oo lasheegay in markaas uu kasoo baxay salaadda Jimcaha ee masjid jaamica magaalada Kismaanyo.

 

Qaraxyada kadhacaya gudaha dalka Soomaaliya, ayaa aad usoo badanayay maalmahan dambe iyada oo lagu guda jiro wakhti kala guur siyaasadeed oo aad looga dareemayo dalka.

 

Back to top button