FeaturedSomali News

Guutada 21-aad ee ciiddanka xoogga, oo kala qaaday malleeshiyaad ku dagaallamay deegaanka Xananbuure.

Wararka ka imanay deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in guutada  21-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay ku guuleesteen in ay kala qaadaan malleeshiyaad ku dagaallamay deegaankaasi.

 

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo gaaray goobaha uu dagaalku ka dhacay, ayaa xaqiijiyay in ay goobjoog ay ka noqdeen tilaabada koowaad ee lagu kala qaaday maleeshiyaadka dagaalamay.

 

Dagaalka, waxaa lasheegay in dad badani ay ku dhinteen, halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Geesta kale labada beelood ee dagaalku dhex maray, ayaa ku ballamay in ay isugu yimaaddaan gogol-nabeed oo ay ku xalliyaan xurgufta dhex martay.

 

Mas’uuliyada ilaalinta amaankana deegaanka, ayaa dusha laga saaray guutada 21-aad  ee ciidanka xoogga dalka oo aaggaas kusii sugnaan doona inta ay meesha ka baxayso collaaddaas dhexmartay labada beelood ee walaalaha ah.

Back to top button