QormooyinkaSomali News

HADDII AAN LA HELIN “DRAINAGE SYSTEM” MUQDISHO CAASIMAD MA NOQON KARTO

Magaalada Muqdisho caasimd ma noqon karto, haddii aan si deg-deg ah looga hirgelin qasabadaha biyaha iyo saxarada qaada “drainge system”.

Waxaa jirta labo nuuc ee “drainage system” ee qasab ay tahay in magaalo kasta ay leedahay, si caafimaadka iyo bay’adda (environment) loo dhowro.

Magaala kasta waa in ay leedahay qasabadaha saxarada qaada “fognatura nera/black sewage”, iyo mida biyaha la isticmaalo qaada “fognatura/bianca/white sewage”.

Magaalada Muqdisho (old Mogadishu) xaafadeheeda Xamar-wayne, Shingaani, iyo boondhere, waxa ay lehaayeen qasabadaha biyaha iyo saxarada qaada ee waqtigii isticmaarka talyaaniga laga hirgeliyay goobihii qadiimka ahaa ee mgaalada Muqdisho, una baahan dayac-tir keliya.

Magaalda Muqdisho saddexdii (3) bilood waxaa canshuur ahaan looga qaadaa $45 million ee dollar, mana ahan macquul in saddex bilood lacagtood loo quuri waayo bilicda iyo caafimaadka dadwaynaha ku nool Muqdisho.

Waxaa baraha bulshada laga daawanayaa jidadkii magaalada Muqdisho ee isku bedelay biyo xireeno (lakes), qashinka iyo haraadiga cudurka wata ay khatar galiyeen nolosha dadka reer Muqdisho iyo isu-socodka baabuurta iyo dadwaynaha.

Shacab iyo xukuumad ku sheeg fiirsanaya waxa ay ku dhex nool yihiin qashin iyo haraadi (waste), islamarkaasna nolosha bini’aadamka khatar galinaya, waa wax laga xumaado, lagana naxo ee alloow ummadaada badbaadi.

W/Q Avv. Khalif M Duale

Back to top button