Qormooyinka

HADRAAWI MUXUU KU NOOLYAHAY?, W/Q C/Shakuur Dayib Maxamed

Dabayaaqada usbuucii Hore (21-oct-2020) ayaanu safar ugu baxnay Xarunta gobolka Togdheer ee Burco,ujeedada safarkayagu waxay isugu jiray mid Nasasho iyo qayb shaqo, saacadihii ugu horreeyay ee joogitaankayaga Burco waxaa muhiim noo ahayd lama huraanna moqotay, in aanu hoygiisa ku booqano oo aanu ka wardoonno saaxiib bulsho,cilmi baadhe, macallin iyo iyo Filosoofarkii nolosha soomaalida wax badan ku kordhiyay, Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi) oo ku nool Magaalada Burco.

Waa imtixaan nololeed oo bulshada horyaala hadii ay tabi waydo haldoorkeeda qayb ka mid ah xaaladaha nolosha Hormuudka ugu ahaa.

Diif badan oo aan da’da ahayni kamay muuqan, nuurkiisa jidh ahaan ayaa muujinaya daryeelka uu ka helo xaaskiisa oo garab joogtay markii aanu booqanay, waana dedaal qoyskiisu ay dhabarka u ritteen.

Sida ay xaaskiisu Noo sheegtay abwaan Hadraawi, duruuftiisa gaar ahi waxay tabaysaa gacan dawladeed oo imika aanuu ka helin iyo ka warqabka shacabka inta wax garadka ah, hadraawi maanta aad ayuu ugu baahan yahay maadaama uu yahay abwaan wax soosaarkiisa maskaxeed Soomaalida oo dhammi ay ka faaiidaysatay.

Filosoofarkan Caanka ah ayaa markii uu tamarinayay aad isugu hawlay danta bulshada Soomaalida, way xanuun badan tahay dawlad iyo dadweynaba hadii aan lagasoo bixin waajibka ay inagu leeyihiin Haldoorka Bulshada ee Hawlgabka Noqday ee hore Maskaxdooda inoogu huray ee Hadraawi ka mid yahay.

“Somaalidu waa aasi og, qofku marka uu dhinto ayay aad u sheegaan wuxuu mudnaa ..” Abwaan Gaarriye AHN.

Back to top button