FeaturedSomali News

Hal Caqabad oo Farmaajo uu uga noqday go’aankiisa hal qof iyo hal cod

Madaxweynaha dawladda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa munaasibaddii xidhitaanka shirkii Muqdisho waxa uu ka sheegay in madaxda maamul goboleedadu ay dhammaantood isku mawqif ahaayeen marka loo eego qaabka loo gelayo doorashooyinka soo wajahan.

 

Waxaa uu sheegay in qodobadii  kasoo baxay shirkii Dhuusa-mareeb 3, ay ahaayeen go’aammo ay soo gaareen madaxweynayaasha Gal-mudug, Hir-shabeelle, Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, isaguna  uu siidaa ku ansixiyay iyada oo ay meesha ka maqanyihiin Puntland iyo Jubbaland, si aanu afarta kalena u waayin.

Madaxweynuhu, waxa uu sheegay in madaxda maamul goboleeduda ay aqoon sadeen saddexdan arrin.

  1. In doorashada qof iyo codka ahi ay u baahanthay wakhti dheer .

  1. Xaaladda ammaanka oo aan saamaxayn .

  1. Iyo muddo kororsi looga shakiyay in uu ugu dhuumanayo doorashada qof iyo codka ah oo wakhti inta ka badan u baahanayso.

 

 

Madaxweyne Farmaajo, ayaa isaguna sheegay in go’aankiisii uu muddada ku adkaysanayo  ee ahaa ‘’ Doorasho qof iyo cod ah” uga laabtay hal arrin oo kaliya oo ah,  in uu ka cabsaday in gabi ahaan shirka lagu kala kaco , hase ahaatee aanu qiimayn qodobada kale ee loo arko in ay hortaagan yihiin doorasho hal qof iyo hal cod ah oo ka dhacda Soomaaliya.

Back to top button