Somali News

Hal Nin oo saddex Askari Ku dilay Muqdisho

Ugu yaraan Saddex Askari ayaa lagu dilay Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho.

Dilka Askarta Booliska waxaa geystay Nin Baskoolad Ku hubeysnaa kaas oo marka hore dilay laba Askari.

Askariga saddexaad ayaa isaguna dhintay isaga oo ka carayaya goobta waxaana xabbadeeyay isla qofkii horay u dilay askarta kale.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Wadani.com in hal qof oo watay Badkoolad ay is rasaaseeyeen Ciidamada halkaasna ay Ku dhinteen saddexda Askari.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka saaka lagu dilay Askarta ee ka dhacay Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho.

Back to top button