Somali News

Halis: Madaxweynihii Maxkamadda ICJ oo xilka laga qaaday xilli dacwadda Soomaaliya dhowdahay

Maxkamadda ICJ ee dhexdhexaadineysay doodda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka soo kordhay war cusub kaddib markii xilka laga qaaday C/Qawi oo ahaa Soomaali Madaxweyne ka ahaa Maxkamaddaas.

Kiiska dacwadda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa u muddeysan Basha March ee soo socota taas oo ka dhigan in markan kiiskaas Maxkamadda ICJ y dhegeysaneyso iyada oo uu ka maqanyahay C/Qawi..

C/Qawi ayaa lagu beddelay Garsoore u dhashay Waddanka Mareykanka kaas oo noqonaya Madaxweynaha cusub ee Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.

Joan E. Donoghue oo ka soo jeeda dalka Mareykanka ayaa  loo doortay madaxweynaha cusub ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Garsoorka (ICJ) waxay bedelaysaa Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Soomaali ah.
Kirill Gevorgian oo u dhashay Ruushka ayaa isna loo doortay madaxweyne kuxigeen, madaxdan cusub ayaa xilla hayn doona min saddex sano.
May be an image of 1 person and indoor
Maxkamadda ICJ ayaa bisha soo socota ee March waxay qaadaysaa dacwadda Soomaaliya ka gudbisay sheegashada Kenya ee biyo badeedka Soomaaliya.
Back to top button