Somali News

Halkan ka akhri magacyada xildhibaanno doonaya in xabsiga ay ka siidaayaan ragga loo haysto dilka iyo kufsigii Xamda Maxamed Faarax.

Qaraabada gabartii dhawaan dilka iyo kufsiga lagula kacay ee Xamdi Max’ed Faarax ,  ayaa kacabayana  Xildhibaano iyo saraakiil kale oo doonaya in ay xabsiga kasiidaayaan eedaysanayaasha  u xiran kiiskan arxan darrada ah.

Xubno ka tirsan ehelada Marxuumada ayaa sheegay iney la socdaan dhaqdhaqaaq xoog leh oo ay wadaan xildhibaanada iyo saraakiisha isku dayaya iney geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaan sii deynta ragga xiran.

Xildhibaanada doonaya iney xabsiga ka sii daayaan eedeysanayaasha ayaa la sheegay inay ka mid yihiin Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire iyo Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan oo labaduba ku heyb ah Madaxweynaha Soomaaliya, awood dheeri ahna isna bidaya.

Waxaa sidoo kale ka mid ah dadka doonaya in xabsiga laga sii daayo ragga tuhunka u xiran Maareeyaha Garoonka Aadan cadde iyo Sarkaal sare oo katirsan Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya kuwaasoo iyana wada dhaqdhaqaaq xooggan oo lagu furdaaminayo eedeysanayaasha.

Xildhibaanadan iyo Saraakiisha doonaya iney xabsiga ka saaraan dadka u xiran kiiska Kufsiga iyo dilka ayaa la sheegay inay isku heyb yihiin eedeysanayaasha xiran, waxayna isku dayeen iney qaab damiin ah ku sii daayaan, si ay ugu suuragasho iney baxsadaan, inkastoo aysan u suuragelin.

 

Talaabadan foosha xun ee ay ku kacayaan Xildhibaanada iyo Saraakiisahan ayaa fajaciso iyo yaab ku noqotay ehelada ay ka soo jeedo Xamdi oo dalbanaya cadaalad iyo guud ahaan Soomaalida, waxaana saraakiisha baaritaanka wada loogu baaqay ineysan dheg jalaq u siinin cadaadis kasta oo ku yimaada ayna waajibaadkooda u gutaan  si hufan.

Back to top button