FeaturedSomali News

Halkan ka daawo , arrimihii looga hadlay shirkii raysal wasaare Rooble iyo safiiradda caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xafiiskiisa shirkula qaatay qaar kamid ah safiirrada dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya, wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

 

Kulankan oo noqonaya midkii ugu horreeyay ee raysal wasaare Rooble uu la qaato safiirrada beesha caalamka ee Soomaaliya,  ayaa la isku dhaafsaday talooyin ku aaddan xaaladda waddanka iyo sidii ay u dhex mari lahayd xukuumadda cusub wada-shaqayn dhow, isla markaana horay loogu sii wada ambaqaadi lahaa horumarrada ay dowladdu gaartay.

 

Sii’hayaha wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Amb. Axmad Cawad Ciise, ayaa ka warbiyay wax yaabaha looga hadlay shirkaasi.

Back to top button