FeaturedSomali News

Halkan kadaawo : Madaxweyne Deni oo baarlamanka ugu baaqay in la ansixiyo heshiiskii doorashada.

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa khubad ka jeediyay munaasibad lagu soo dhaweynayay oo habeennimadii xalay ka qabsoon degmada Hawl-wadaag ee magaalada  Muqdisho.

 

Mas’uuliyiinta Goleyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bulshada soo diyaarisay xafladda, ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyey shaqada wanaagsan ee uu ka qabtay Puntland iyo doorkiisii muhiimka ahaa ee uu ka geystay heshiiska lagu go’aamiyey Doorashada Dalka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tilmaamay in loo baahanyahay in baarlamanku uu meelmariyo heeshiikii laga gaaray doorashooyinka dalka oo lafilayo in dhowaan la horgeeyo.

 

 

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in heshiiskii maamulada iyo Madaxtooyada Soomaaliya ay qayb ka yihiin xidhibaannada baarlamanku hase ahaatee aanu gaar u ahayn iga oo kaliya.

.Halka ka daawo kudbadda madaxweyne Deni.

Back to top button