Breaking NewsFaaqidaadFeaturedSomali News

Hanti-boobkii ugu xumaa, oo ay wadaan wasiirrada bilaa xasaanad ah – Soomaaliya

Hanti-boobkii ugu xumaa, oo ay wadaan wasiirrada bilaa xasaanad ah - Soomaaliya

Dalka Soomaaliya, ayaa muddo bil iyo dheeraad ah waxa uu ku jiraa xaalad mugdi ah oo ay hadhaysa maamul xumo iyo musuqmaasuq meeshii ugu xumayd gaadhay.
Golaha wasiirrada ee xasaanaddii laga qaaday, ayaa lasheegayaa in ay wadaan xatooyo dadwayne iyo xoolaysi xaaraan ah  xilligan uu dalku kujiro kala guurka siyaasadeed, kadib markii ay meesha ka baxday isla xisaabtankii uu samayn jiray Ra’iisal wasaarihii Xukuumadda Xasan Cali Khayre.
Wasiirrada daacadda u ah Madaxwayne Farmaajo, ayaa la sheegay in ay si xadka ka baxsan ay u boobayaan hantidii dadwaynaha, waxaana arrintaas sabab u ah sida lageegay iyaga oo aaminsan in aanay dib ugu soo laabanayn saaxadda siyaasadda sidaas awgeedna ay uruursadaan xoolo xatooyo ah oo ay ku raadsadaan xildhibaannimo si ay doorashada uga caawiyaan madaxwaynahan ay taladu farihiisa ka baxday ee Farmaajo.
Madaxwayne Farmaajo laftiisa, ayaa lasheegayaa in uu u muuqdo mid raalli ka ah  boobka hantida dawladda, waxaana taas caddayn u ah in madaxwaynuhu uu  aanu illaa hadda magacaabin Ra’iisal wasaare sharci ah, oo soo dhisa Xukuumad bedesha middii Xasan Cali Khayre.
Akhriste aragtidaadu, waa muhiim
Wadani Media
Back to top button