FeaturedSomali News

Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka jawaabka ka bixiyey Warbixintii Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka (Akhriso)

Hanti-dhowrka guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Afgooye ayaa qoraal jawaab ah ka soo saaray eedeyntii Guddiga Maaliyadda ee Golaha Baarlamaanka uu u jeediyay Wasaaradda Maaliyadda inay ku kacday wax is daba marin  iyo musuq maasuq lagu sameeyay miisaaniyadda dalka ee 2018.

Hanti dhowrka ayaa ku taliyay saddex qodob oo kala ah:

1- In dhammaan hey’addaha kala duwan ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku kalsoonaadaan xafiisyadooda u qaabilsan ilaalinta iyo kormeerka maamulka Maaliyadda iyo hantida umadda ayna ka war sugaan fulinta waajibaadkooda qaran

2- In hey’addaha dowladda ay dhowraan habraacyada maamulka maaliyadda ee dalka isla xisaabtankuna uu ku dhacaa si waafaqsan hanaanka dowladnimo

3- In ay ciwaaqib yeelato marka la dhinac maro nidaamka dowliga isla markaana la qalqal geliyo xasillinooda iyo horumarka qaranka

HOOS KAAKHRISO QORAALKA

Tags
Back to top button
Close
Close