Somali News

Hanti dhowrka Guud ee Qaranka oo War kasoo saaray Eedeyntii uga timid Shirka Kismaayo (War-saxaafadeed)

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka Maxamed Maxamud Cali (Afgooye) ayaa lagu sheegay in Xafiiskaasi uu ka madax banaan yahay laamaha kala duwan ee dawladda iyo dhinacyada siyaasadda dalka, iyadoo loogu jawaabay warkii kasoo baxay madaxda dowlad goboleedyada ee ku shiray magaalada Kismaayo.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaran uu dardar geliyey sare u qaadida dawlad wanaagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa, islamarkaana muddo 30 sano kadib ay fuliyeen howlgallo lagu dagaalamayo lunsashada Hantida Qaranka.

Tags
Back to top button
Close
Close