Somali News

Haramcad oo la wareegeysa amniga Jowhar

Ciidamada gaarka ah ee Haramcad ayaa lagu wareejinayaa amaanka Magaalada Jowhar.

Ilo Ku dhow Maamulka Hirshabeelle ayaa wax ay Wadani.com u xaqiijiyeen in Ciidamo dhowr boqol ah la geeyay Magaalada kuwaas oo dhawaan howlgeli doona.

Dowladda Federaalka ayaa wadata musharrax gaar ah kaas oo ay dooneyso in uu noqdo Musharrax ka caawiya soo saaridda Xildhibaano taabacsan Farmaajo.

Magaalada ayaa marti gelineysa laba doorasho oo midi Federaalka tahay iyo midda dowlad Goboleedka.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay Magaalada ka dhacay dilal loo geystay Wasiirro, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka Shabeelaha dhexe.

Ciidanka Haramcad oo horay loogu soo saaray labada Madaxweyne dowlad Goboleed ee Galmudug iyo Koofurgalbeed.

Ciidamadaas ayaa galay dagaallo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ay Ku galeen Baydhaba iyo Dhuusamareeb.

Back to top button