Somali News

Haween lagu dilay Muqdisho

Inta la xaqiijiyay laba Haween ah ayaa dhimatay halka ay mid kale dhaawacantay kaddib markii Aroortii hore ee saaka ay dabley hubeysan rasaas ku fureen.

Haweenkan oo saddex ahaa ayaa waxaa ay Bajaaj ka raacayeen Xaafadda War laliska ee Degmada Dayniile waxaana ay ku socdeen Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo isla degmadaas ku taalla.

Haweenka ayaa la sheegay in ay ahaayeen shaqaalaha Nadaafadda ee Wasaaradda waxaana xilli ay Bajaaj raacayeen weeraray koox hubeysan halkaas oo ay laba ka mid ah ku dhinteen.

Sidoo kale Haweeneyda saddexaad ayaa iyada oo dhaawac ah laga qaaday goobta waxaana la geeyay goob caafimaad.

Haweenka labada ah ee dhintay ayaa la sheegayaa in ay Xaamilo ahaayeen, waxaana ay arrintan cabsi ku abuurtay dadka deegaanka.

Kooxda dilka geysatay ayaa isaga baxsaday goobta iyada oo Maamulka Dayniile aysan wali ka hadlin dhacdadad saaka ka dhacday Xaafadda Warlaliska.

Back to top button