Somali News

Hay’adaha amniga Puntland oo fashiliyay qarax, soona bandhigay

Ciidamada Daraawiishta maamulka Puntland ee loo yaaqaan PSF ayaa sheegay in ay fashiliyeen qarax la doonayey in laga fuliyo magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska ciidamada PSF-ta, iyagoo soo bandhigay walxaha qarxa oo ay sheegeen in lagu qabtay Bosaaso.
“Hawlgal ay ciidamada PSF ka sameeyeen Bosaso ayaa waxay ku guulaysteen in ay kaga hortagaan qaraxyo ay Al Shabaab ku diyaarinaysay goobo ku yaal magaalada Bosaso” ayaa lagu yiri Qoraalka
“waxayna ciidamadu soo qabteen waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada,qaraxyadaas oo qayb ka mid ah loo qaado buuraha Cal Madow si loogu waxyeeleeyo shacabka iyo ciidamada Puntland” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.
Back to top button