Somali News

Hay’adaha amniga Puntland oo howlgal ka wada Boosaaso

Ciidamada amaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay howlgal ka wadaan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Holwgalkan ayaa la xiriira Sugidda amaanka iyo sidoo kale dabagalka dad la sheegay in ay wali diiddanyihiin lacagaha shilinka Soomaaliga ah.

Ciidamada ayaa baaritaanka amaanka ku sameynaya Gaadiidka dadweynaha iyaga oo si gaar ah u baaraya dadka dhallinyarada ah.

Dhinaca kale baaritaano ayey ka wadaan suuqyada waaweyn ee Boosaaso halkaas oo dabagal lagu hayo dadka diiddan shilin Soomaaliga oo deegaannada Puntland laga diiday.

Madaxweynaha Puntland ayaa wajahaya culeys dhinaca Sicirka Suuqa iyo diidmada shilin Soomaaliga waxaana uu horay u qaaday dhowr tallaabo oo uu isku dayay in uu wax uga qabto kuwaas oo aan ilaa hadda dhaqangelin.

Back to top button