Somali News

Hay’adaha Samafalka oo dalbaday $99M oo gargaar deg deg ah

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Socdaalka ee IOM iyo 38 Hay’adood oo ay bah wadaag yihiin ayaa soo saaray baaq ay ku dalbanayaan gar gaar degdeg ah oo lala gaaro dadka Qaxootiga iyo Barakacayaasha ah ee ku sugan dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya.

Warbixinta Hay’adaha Samafalka waxaa ay ku sheegeen in dad ka badan Haaf Milyan ay ku dhibaateysanyihiin Xeryaha Qaxootiga ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Meelaha Dadkaas ku dhibbanyihiin waxaa ka mid ah Xeryo ku yaalla Waddanka Jabuuti oo ay ku jiraan dad Soomaali,Itoobiyaan iyo Yemeniyiin ah.

Sidoo kale Xeryo ku yaalla Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay ku jiraan kumanaan qof oo badankood aan cidi la socon oo ka soo barakacay Gobollada dalka iyo kuwa ka soo qaxay Waddanka Yemen.

Warbixinta waxa akale oo lagu xusay in Dalka Yemen ay Xero gaar ah ku jiraan 14,000 oo qof oo aan heysan wax ay ku noolaadaan una baahanyihiin gargaar degdeg ah.

Hay’adaha isu tagay ee IOM iyo bah wadaagteeda ayaa sheegay in lacagta $99Milyan ah loogu talagalay in wax loogu qbato dadka ku jira Xeryaha Barakacayaasha ee saddexda dal, afarta sanadood ee soo soocota.

IOM waxaa ay sheegtay in faafitaanka Caabuqa Covid19 uu uga sii daray xaaladda dadka ku jira Xeryaha Barakacayaasha ah ee Saddexda Waddan kuna adagtahay in ay helaan waxyaabaha aas aasiga u ah nolosha.

Back to top button