FeaturedSomali News

Hay’adda NISA oo hakisay Qandaraasyo uu saxiixay Wasiirkii hore ee Amniga & Baaris loo gudbiyey

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliyeed ee NISA ayaa Caawa shaacisay inay hakisay Qandaraasyo Malaayiin Doolar ku baxay oo uu saxiixay wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya.

War kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in Qandaraasyadan loo diray baaritaan lagu sameeyo, iyadoo la gaarsiiyey Hanti-dhowrka. Hay’adda NISA ayaan magacaabin Wasiirkii hore Amniga oo hadda ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka C/risaaq Cumar Maxamed.

“Maanta, oo ah 3-da Nofembar 2018, NISA waxay hakisay una gudbisay Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, qandaraasyo malaayiin doolar dhan, oo baxay sanadihii lasoo dhaafay, uuna saxiixay Wasiirkii hore ee amniga, si’ uu u baaro uguna gudbiyo hey’adaha ay khuseyso..” ayaa lagu yiri qoraalka NISA

Arrintan ayaa u muuqata mid dembi  lugaha u gelin doonta Wasiirkii ee Amniga  oo hadda ka mida mucaaradka sida weyn ugu kacsan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Tags
Back to top button
Close
Close