Somali News

Hay’adda Socdaalka oo joojisay soo saaridda Baasaboorrada

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa joojisay dalbashada iyo soo saarista Baasaboorrada Soomaaliga ah.

War ka soo baxay Hay’adda Socdaalka ayaa lagu sheegay in ilaa amar dambe la joojiyay qabashada codsiyada Baasaboorka dalka

“Khatarta Caabuqa COVID19 oo sii kordheysa awgeed, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu, waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ku wargelinaysaa, in laga bilaabo maalinimada Sabtida ah, taariikhduna tahey Febaraayo 27, 2021 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ilaa wargelin danbe.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa waxaa ay sanadkii hore xilligan oo kale markii uu Covid dillaacay joojisay soo saaridda Baasaboorka Soomaaliga ah.

Back to top button