Somali News

Hay’adda UNICEF oo Xafiis Goboleedkeedii Nairobi u soo rartay Magaalada Muqdisho (Sawirro)

Hay’adda Xanaanada Caruurta ee Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa noqotay hay’adii ugu horeysay ee si toos ah ugu soo guurtay magaalada Muqdisho, una soo rartay xarunteeda rasmiga ah.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo Madaxa Bariga iyo Koofurta Africa ee Hay’adda UNICEF ayaa maanta si wadajir ah xariga uga jaray dhismaha cusub ee xafiiska Unicef ee Soomaaliya.

Munaasabada waxaa Goobjoog ka ahaa shaqaalihii Hay’adda UNICEF ee ka howlgali jiray dalka kenya oo maanta wixii ka dambeeya shaqadooda ay tahay gudaha dalka Soomaaliya, taasoo muuqal wanaagsan ka bixinayso u hogaasanaanta Hay’adda baaqii dowladda ee ahaa in dalka ay mudo  kooban ugu howlgalaan.

Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya ayaa sheegay in maanta ay u tahay maalin wayn oo taariikh ah in xafiiskii Soomaaliya ee Hay’adda ee ku yaalay Niarobi in gudaha dalka ka howl bilaabo.

Madaxda Bariga iyo Koofurta Africa ee Hay’adda UNICEF Leyla Bakar ayaa sheegtay in Muhiimad gaar ah ay leedahay arrintan. “Waxaan maanta u soo wareejinay xafiiska maamulka Magaalada Muqdisho kaas oo si wadajir ah uga shaqeyn doona Muqdisho iyo qeybaheeda kala duwan, muhiimad gaar ah ayee ii leedahay maanta in halkan aan joogno”.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa tilmaayay in maanta micno weyn dalka ugu fadhiyo xafiiska Soomaaliya ee UNICEF si rasmi ah in dalka uga shaqo bilaabo.

Tags
Back to top button
Close
Close