FeaturedSomali News

Heshiiskii Dhuusa-mareeb 3 oo u muuqda in meesha laga saarayo | Akhri Xogtan.

Shirka looga hadlaayo arrimaha doorashooyin ee dalka, ayaa bilawgiisiiba waxaa laysku maan dhaafsanyahay qodobadii uu aadka u danaynayay madaxweyne Farmaajo ee lagu gaadhay shirkii aan loo dhammayn ee Dhuusa-mareeb 3.

Labada madaxweyne ee shirka kamaqnaa , ee Siciid Cabdillaahi Deni iyo Axmad Madoobe, ayaa meel adag iska taagay ilaa shan qodob oo ahaa kuwa ugu muhiimsan ee kasoo baxay shirkii ugu dambeeyay ee Dhuusa-mareeb, madaama loo arkayo in ay yihiin qodobbo uu aad u danaynayo madaxweyne Farmaajo.

 

Qodobadan, ayaa lasheegay in ay diidan yihiin madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmad Maxamed Islaam Madoobe.

 

  1. Qodobka ah qeexaya  in tirada ergada laga dhigo  301 xubnood.

  1. Awoodda la siiyey guddiga madax-banaan ee doorashooyinka qaranka.

  1. Qodobka dhigaya in afar deegaan ay ka dhacdo doorashada.

  1. Qodobka oranaya magaaladii ay jirto amni darro, doorashada hallaga wareejiyo oo meel kale haloo wareejiyo.

  1. Qodobka dhigaya in doorashada lagu galo hanaan xisbi iyo kuwa kale.

 

Haddii shantan qodob ay noqdaan kuwo meesha laga saaro, waxaa suuragal ah in gabi ahaanba waxba kama jiraan laga soo qaado qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusa-mareeb 3 oo ay ka qayb galeen madaxweynayaasha Gal-mudug, Hir-shabelle  Koonfur-galbeed , Gobolka Banaadir iyo madaxweynaha Dawladda federaalka ah.

Back to top button