Somali News

Hindiya oo safiir u soo magacaabatay Soomaaliya

Dowladda Hindiya ayaa 30 sano kaddib magacowday safiirkeeda Soomaliya.

Virander Kumar Paul, ayaa loo magacaabay safiirka waddanka Hindiya u jooga Soomaaliya.

Paul ayaa waxaa uu horay u ahaa safiirka Hindiya ee Kenya, waxaana uu safaaraddiisa Nairobi kala socday xaaladda Soomaaliya.

Hindiya ayaa isku dayeysa xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya oo u badan Ganacsiga, Caafinaadka iyo Waxbarashada.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Hindiya ayaa lagu sheegay in Mr Paul laga dhigay safiirka 30 kaddib Hindiya u jooga Muqdisho.

Back to top button