FeaturedSomali News

Hirdan-siyaasadeed, oo kala irdheeyay madaxwaynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa.

Waddanka Kenya, ayaa waxaa ka bilowday ol-ole siyasadeed oo ka soo hormaray xilligiisa, iyado xisbiga talada dalka haya ee Jubilee uu u kala jabay labo qaybood oo kala tabacsan madaxwaynaha iyo ku/xigeenkiisa, halka xisbiga mucaaradkuna uu garab u noqday xulafada madaxwnaha.

 

Xisbiga talada haya ee Jubulii, ayaa laba qaybood u kala jabay, waxaana kala hoggaaminaya madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa.

Madaxwaynaha Kenya, oo laba jeer ku guulaystay xilkan islamarkaana aan isu soo taagi karin mardambe, ayaa wada hawl wax looga badalayo dastuurka waddankaasi si uu doorashada soo socota u ciriirsado booska raysal wasaaraha.

Uhuro Kenyata iyo William Ruto, ayaa wakhtigan aad ukala fogaaday maadaama Ruto uu noqday musharax madaxwayne.

Hirdanka siyaasadeed ee hadda kasocda, dalkaasi Kenya ayaa sii xoogaysanaya isaga oo saamayn ku yeeshay Soomaalida ku dhaqan guud ahaan dalka Kenya.

Back to top button