Somali News

Hirshabeelle oo fureysa waddada Muqdisho iyo Jowhar

Maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa waxa uu Ku dhawaaqay in uu furayo waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Wasiirka amniga Hirshabeelle Maxamed Kheyre oo la hadlay VOAda ayaa sheegay in howlgallo al shabab lagula dagaallamayo ay ka billaabeen gobolka shabeellaha dhexe.

Mr Kheyre ayaa sheegay in ciidamada Hirshabeelle ay la wareegeen degaanka Basra howlgalladana ay sii socon doonaan

Wasiirku waxaa uu sheegay in Al shabaab ka yimid gobollo kale ay buux dhaafiyeen degaannada Hirshabeelle.

Doorashada ka hor ayuu sheegay in ay furayaan waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar oo horay loogu laayay xubno ka mid ah maamulka Hirshabeelle.

 

Back to top button