Somali News

Hirshabelle oo Puntland ku sifeysay Dowlad-diid

Maamulka Hirshabelle ayaa ka jawaabay hadal ka soo baxay Wasiirka Caddaaladda Puntland oo maamullada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ku tilmaamay “ducafo aanay jirin meel ay ka taliyaan”.

Wasiirka Caddaaladda Hirshabelle oo shir jaraa’id ku qabtay Jawhar ayaa ka jawaabay hadalka ka soo baxay dhiggiisa Puntland.

Wasiir Abuukar Maqaney ayaa sheegay in Puntland ay tahay dowlad-diid islamarkaana ay ka degi la’adahay Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sheegay in Madaxweynaha Puntland uu Xerada Xalane u fadhiyo carqaladeynta shirka doorashooyinka dalka la xiriira.

Waxaa uu Maamulka Puntland ugu baaqay in ay is daayaan wax uu ku sheegay “is cajabinta” waxaana uu kual taliyay in ay dhinac ka raacaan Dowladnimada Soomaaliya.

Back to top button