Maqal & MuuqaalSomali News

Hoggaamiyaha kooxdii Macawisley ee Gobolka Sh/Dhexe oo lagu dilay dagaal dhex maray Alshabaab (Faahfaahin)

Wararka laga helayo Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaal culus uu degaano ka tisan degmada Aadan Yabaal uu dhex maray koox shacab oo la baxday Macaawisley iyo Alshabaab markii Alshabaab ay soo weerarreen.

Dagaalkan oo ka dhacay degaanada Darusalaam iyo Bur-dacaar oo ka tirsan degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Sh/dhexe ayaa la sheegay inuu qasaare dhaliyey. waxaana ku dhintay ilaa 5 qof, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Weerarkii shalay Alshabaab ku qaaday kooxdan ayaa lagu dilay hoggaamiyihii ciidamada degaanka ee la baxay Macawisley oo lagu magacaabi jiray  Hibaad Cali Dasar iyo ku xigeenkiisii Nuur cali Junbur, waxaana labadan ay hoggaaminayeen dadka degaanka ee ka hor yimid kooxda Alshabaab oo ay sheegeen inay Baad ka qaadan jirtay muddo dheer kadibna ay markii danbe la timid inay ka qaadato caruurtooda.

Halgame Marxuum Hibaad Cali Dasar
Halgame Marxuum Hibaad Cali Dasar
Hibaad Cali Dasar iyo ku xigeenkiisii Nuur cali Junbur,
Halgamayeyashii la dilay Hibaad Cali Dasar iyo ku xigeenkiisii Nuur cali Junbur,

Xaaladda degaanada dagaalladu ka dhaceen ayaa weli kacsan, iyadoo labada dhinac ay is hor fadhiyaan, waxaana goobtaasi gaaray ciidamo ka tirsan dowladda federaalka oo dagaal la galay kooxdii weerarka soo qaaday. Maamulka Hirshabelle iyo madaxweynaha maamulkaasi ayaa tacsi u diray labada halgame ee ku dhintay dagaalkii Aadan yabaal.

DAAWO MUUQAALKA HORE EE KOOXDAN IYO DALABKII AY SOO DIREEN

Tags
Close
Close