Somali News

Hoggaanka Golaha Muslimiinta Swidzerland oo xabsiga la dhigay

Maxkamada Federaalka ee Magaalada Bellinzona ee Koofur wadankan Switzerland ayaa xukun isugu jira xabsi iyo ganaax lacageed ku riday Madaxda Golaha Muslimiinta Switzerland.

Maxkamada ayaa Niclolas Blancho oo ah Madaxweynaha Golaha Muslimiinta Switzerland ku xukuntay 18 Bilood oo Xabsi ah iyo 550 oo doolarka Mareykanka ah.

Afhayeenkiisa Qaasim Illi ayaa isna lagu riday 15 Bilood xabsi ah iyo 550 doolar .

Labada nin ayaa lagu eedeeyay isla markaana lagu helay in ay xiriir la sameeyeen isla markaana dacayad u sameynayen Kooxda Al-Qeada.

Blancho iyo Ellie ayaa lagu eedeeyay inay baahiyeen muuqaalo borobogaando ah oo lagu taageerayo ururka argagixisada ah ee Al-Qaacida

 

Back to top button