Somali News

Hoobiyayaal lagu garaacay Dhuusamareeb

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in tiro hoobiyayaal ah ay xalay ku dhaceen Magaaladaasi.

Hoobiyayaasha oo aan la garan goobta laga tuuray ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa 10 Hooboye.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa ku sugan Madxa Dowladda Federaalka ugu sarreysa sida madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaraha iyo madaxda Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed.

Lama sheegin khasaare ka dhashay weerarkaas hayeeshee dadka magaalada ayaa sheegay in ay hurdada ka salaleen.

 

Back to top button