FeaturedSomali News

Hoos u dhicii ugu weynaa oo kuyimi dhoofinta shiidaalka Sucuudiga.

Guud ahaan dhaqaalaha adduunka, ayaa hoos dhac ballaarani ku yimi tan iyo markii xoogaystay xanuunka safmarka ah ee Covid-19 .

 

Meelaha aadka looga dareemayo, waxaa kamida dhoofka shidaalka Sacuudiga oo sanadkan hoos u dhacay boqolkiiba 62. Warbixin rasmi ah oo ay soo saartay waaxda dalkaasi u qaabilsan xog ururinta, ayaa lagu sheegayaa in dakhliga ka soo xarooday dhoofka shidaalka boqortooyada uu noqday 74.8 billion riyaal ($19.9 bilyan) bilaha ugu horreeya sanadkan.

 

Dhoofka saliidda cayriinka ah ee Sacuudiga, oo ah dalka ugu weyn dunida ee dhoofiya shidaalka, ayaa siwan hoos ugu dhacayay iyadoo uu yaraaday dalabka dunida ka imaanaya, sababo la xiriira xanuunka coronavirus.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa shaacisay in sicir bararka dalkaas uu gaaray 6.1 boqolkiiba bishii July, isagoo bil kahorna ahaa 0.5 boqolkiiba.

Ururka Dalalka Dhoofiya Shidaalka ee (OPEC) iyo dalalka xulafada la ah, ayaa bilihii lasoo dhaafayba hoos dhimay iibgeynta shidaalkii aduunka loo dhoofinjiray.

Back to top button