Somali News

ICJ oo maanta billaabeysa dhegeysiga kiiska Badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Hogue ee dalka Holand ay ka bilaabato dhageysiga dacwadda Badda ee Soomaaliya kala dhaxeysa dalka dariska la’ah ee Kenya, wolow labada dhinac dhinac uu ku sugan yahay maxkamadda cadaaladda Adduunka IGJ.
Guddiga difaacaya dacwadda Badda ayaa sheegay in ay si fiican ugu diyaar garoobeen dhageysiga dacwada, waxaana guddigaan hoggaaminaayo ra’iisalwasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadare iyo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya.
Dowladda Kenya ayaa maalimadii shalay la ogaaday in ay ka baxday kiiska iyop tagitaanka magaalada Hogue, waxaana ay sabab uga dhigtay in maxkamaddu aysan tixgelin codsiogeedii ahaa in dib loo dhigo kiiska markii sedexaad, laakiin maxakamaddu diiday.
Wargeyska Daily Nation ayaa ku warramay in uu arkay Decoment muujinayo in Kenya ay go’aansatay in aysan ka qeybgeli doonin kiiska isla markaana maxkamadda aysan wax dan ah ka laheyn codsigooda ahaa in dib loo dhigo kiiska Coronavirus dartiida.
Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in rajo wanaagsan uu ka qabo in Soomaaliya ay ku guuleysato dacwadda kiiska badda ee kala dhexeeya dowladda Kenya, kaas oo dhowr jeer dib u dhacay Kenya ayaa Soomaaliya ka dalbatay in wada hadal lagu dhameeyo kiiska, wolow dowladda Soomaaliya ay sheegtay in Maxkamadda la sugo.
Back to top button