Somali News

ICJ oo maanta soo gabagabeyneysa Dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Maxkamadda ICJ ayaa lagu wadaa in ay maanta soo gabagabeyso dhegeysiga kiiska Dacwadda Badda ee ka dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Ra’isalwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Maxkamadda ay maanta dhameyeneyso dacwadda oo Soomaaliya laga dhegeysanayao wajiga 2aad.

Maxkamadda ICJ ayaa shalay diidday codsi ay Kenya soo jeedisay oo ahaa in ay doodda dib ugu soo laabato.

Xukunka kama dambeysta ah ee Maxkamadda ayaa la filayaa bilaha soo socda.

Back to top button