Somali News

IGAD oo cambaareysay shaqaaqadii Muqdisho

Urur Goboleedka IGAD ayaa cambaareyn kala dul dhacay  rabshadihii shalay ilaa haben hore ka dhacay Magaalada Muqdisho ee isku dhacyada watay.

War ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa loogu baaqay in ay dhinacyada is haya xaaladda dejiyaan una turaan shacabka Soomaaliyeed ee ay mas’uulka ka yihiin.

Waxaa kale oo loogu baaqay in ay tagaan Miiska wadahadalka islamarkaana wadahadal ku dhameeyaan waxyaabaha ay isku maandhaafsanyihiin ee sababaya isku dhacyada.

Arrintan ayaa ka dhalatay kaddib markii Ciidamada Dowladda ay rasaas ku fureen banaanbaxayaal ay hoggaaminayeen Xasan Cali Kheyre iyo C/Raxmaan C/Shakuur Warsame.

Back to top button