Somali News

Ilhaam Cumar oo Ku jees Jeestay Trump

jees jees.

Xildhibaanad Ilham Cumar oo ah Soomaali ka tirsan Baarlamaanka Mareykanka ayaa Ku jeesjeestay madaxeeynaha Mareykanka ee uu haleelay Covid 19.

Ilhaam ayaa qoraal xafiiskeeda ka soo baxay lagu sheegay in Trump uu muddaba inkirayay cudurka islamarkaana diiday inuu wajiga xirto.

Waxaa ay xustay in Isaga iyo siyaasiyiinta Jamhuuriga ay faafinayaan cudurka maaddaama ay diideen fulinta hanaanka ka hortagga cudurka.

Gobolka laga soo doorto ayey sheegtay in Trump iyo kooxdiisa ololaha ay awaamiirta caafimaad diideen walina Ku dhexjiraan dadka Gobolkeeda.

Trump ayaa laga helay cudurka iyada oo xalayna loola cararay Isbitaal kaddib markii uu Ku adkaaday neefsiga.

Carona ayaa Mareykanka Ku dilay dad kor u dhaafaya 208,000 oo qof waxaana uu Ku dhacay malaayiin qof oo Mareykan ah.

Back to top button