FeaturedSomali News

Ilhaan Cumar, oo cunug sideed jir ah ku tilmaantay madaxweyne Trump.

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo katirsan aqalka Kongareeska Mareykanka, ayaa si kooban ugu jawaabtay  Madaxweynaha waddankaasi ee Donald Trump oo markale dhaliilo u jeediyay.

Trump oo tageerayaashiisa la hadlaya, ayaa si cunsuriyad ka muuqato u sheegay in Ilhaan Cumar ay u tilmaamayso sidii loo maamulilahaa waddankooda, waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in la waydiiyo iyada sidii ay u maamuli jirtay halkii ay katimi.

“Waan ku guuleysan doonnaa gobolka Minnesota iyada darteed, ayay dhaheen. Waxaad noo sheegeysaan sida loo maamulo dalkeenna, maxaad ku sameyn jirtay halkaad ka timid? Waa sidee xaaladda dalkaaga? Waxay inoo sheegeysaa sida loo maamulo dalkeenna.” Ayuu yiri Trump oo  habeenkii xalay la hadlayay  taageerayaashiisa.

 

Ilhan ayaa qoraal ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay oo ay ugu jawaabtay hadalka Trump:

“Ugu horreyn, kani waa dalkeyga waxaana xubin ka ahay Aqalka adiga kaa keenay mooshinka xil ka qaadista. Tan labaad, waxaan dagaal sokeeye ka soo qaxay aniga oo siddeed jir ah. Siddeed jir dal ma maamulo inkastoo aad adiga dalkeenna u maamushay sidiisa oo kale.”

Ilhan waxay ku dhalatay Soomaaliya, balse qoyskeeda ayaa ka soo qaxay markii ay dagaalladu qarxeen sanadihii 90-meeyadii.

 

Ilhaan Cumar, ayaa sanadkii 2016-kii noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaalida Mareykanka ka soo jeeda ee boos sare ka qabta gobolka Minnesota, oo muhiim u ah doorashooyinka dhici doona bisha November.

Back to top button