Somali News

Ilhan Cumar oo mooshin cunaqabateyn ah ka wadda Maxamed Bin Salmaan

Xildhibaan USA ILHAAN CUMAR oo mooshin cunaqabateyn ka keentay Amiirka Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan (MBS) keentayna Barlamaanka Mareykanka kabacdi markii sirdoonka (CIA) Mareykanku xaqiijiyeen in MBS uu lahaa amarka dilka & hilbajarjarka wariye Khashooji.
 Ilhaan ayaa raadineysa taageerada Xildhibaanno dhowr ah oo saxiixa mooshginka si loogu gudbiyo Golaha Wakiillada Mareykanka.
Golaha ayaa cod u qaadi doona mooshinka kaas oo sheegaya in cunaqabateyn la saaro Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan oo ay CIA-da Mareykanka ku eedeysay dilka Jamala Khashogi.
Mareykanka ayaa xalay soo saaray eedeyn ka dhan ah bin Salman oo la xiriiineysa dalka Waroyaha Sucuudiga u dhashay ee October 2018kii lagu dilay Turkiga.
Back to top button